Back to Blog
Company

Waa maxay Saanyo?

Saanyo waa madal ku dhisan role-based learning — barasho si toos ah ula xiriirta jagada shaqo ee uu qofku hiigsanayo. Qoraalkan wuxuu sharxayaa waa maxay Saanyo, sida uu u shaqeeyo, iyo maxay uga dhigan tahay creators-ka.

Saanyo waa madal ku dhisan role-based learning (barasho si toos ah ula xiriirta jagada shaqo ee uu qofku hiigsanayo), loona sameeyay in ay abuurto nidaam, jihayn, iyo natiijo dhab ah — qofka hiigsanaya iyo qofka gudbinaya labadaba.

Qoraalkan wuxuu sharxayaa:

  • Waa maxay Saanyo

  • Sida uu u shaqeeyo

  • Maxaa Saanyo gaar u ah

  • Maxay uga dhigan tahay qofka soo gudbinaya xirfadaha

Qoraalkan waxaa si gaar ah loogu talagalay creators-ka ama dadka soo gudbinaya xirfadaha, kuwaas oo doonaya inay si qoto dheer u fahmaan Saanyo ka hor inta aysan ku biirin.

Sababta Saanyo Loo Sameeyay

Marka ay noqoto in qofku xirfad ka barto online-ka, waxaa jira caqabado kala duwan.

Kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

  • Inuu wajaho courses aad u tiro badan

  • Inuu garan waayo sida loo kala nidaamiyo

  • In aysan u caddaan jihada uu u socdo

  • Ilaa uu ugu dambeyn ku daalo kuna guuldareysto inuu horumar sameeyo

Creators-kuna iyaguna waxay wajahaan caqabado ay ka mid yihiin:

  • Inay kaligood dhisaan curriculum buuxa

  • Inay qiyaasaan waxa qofka baranaya u baahan yahay

  • Inay la tartamaan courses aan xiriir lahayn

  • Inay qaadaan culayska dhismaha, qaabaynta, iyo bixinta casharrada

Saanyo waxaa loo sameeyay si tan loo xalliyo.

Ma ahan kaliya in content-ka la sii badiyo,
ee waa in xirfadaha la baranayo loo habeeyo roles, natiijooyin, iyo nidaam cad.

Saanyo ma aha suuq courses lagu kala iibsado.
Saanyo waa nidaam dhamaystiran oo uu qofku ku hiigsan karo xirfad uu rabo inuu barto.

Fikradda Aasaasiga ah: Role-Based Learning

Wax walba oo Saanyo ka jira waxay ka bilaabmaan hal su'aal:

Doorkee ama jagadee (role) ayuu qofkani hiigsanayaa inuu noqdo?

Ma aha:

  • Maxaa video ah oo maanta xiiso leh?

  • Mawduucee ayaan daawadaa?

Laakiin waa:

  • Jagadee ayaan hiigsanayaa?

  • Xirfadaha noocee ah ayaan u baahanahay jagadaas?

Saanyo waxay wax walba u habeeyaa roles dhab ah, sida:

  • Web Developer

  • Graphic Designer

  • Video Editor

  • UI/UX Designer

  • Iyo kuwo kale

Roles-kani ma aha erayo suuq-geyn.
Waa jagooyin xirfadeed oo si cad loo hiigsanayo.

Qaab-dhismeedka Waxbarashada Saanyo (Guud ahaan)

Saanyo waxay adeegsanaysaa qaab u dhisan sidan:

Role
└── Stages
    └── Skill Units
        └── Courses / Lessons

Qaabkan wuxuu khuseeyaa dhammaan content-ka madasha ku jira.

1. Roles

Role waa halka la rabo in la gaaro.

Waxay ka jawaabtaa:

  • Qofkani muxuu noqonayaa?

  • Shaqo noocee ah ayuu qaban doonaa?

Tusaalooyin:

  • Frontend Web Developer

  • Motion Designer

  • Social Media Video Editor

Role-ku waa jihada, ma aha video keliya.

Saanyo Roles Overview

jaantus muujinaya roles-ka

2. Stages

Role kasta wuxuu leeyahay stages (heerar).

Stages-ku waxay muujinayaan:

  • Halka laga bilaabayo

  • Waxa xiga

  • Halka uu qofku marayo

Tusaale:

  • Foundation

  • Intermediate

  • Advanced

  • Professional

Qofka baranaya mar walba wuu ogyahay:

  • Heerkiisa

  • Waxa xiga

  • Waxa laga rabo inuu gaaro

Stage Progression

heerarka uu role-ku marayo

3. Skill Units

Gudaha stage kasta waxaa jira skill units.

Skill unit-ku waa:

  • Qaybta ugu yar ee waxbarashada

  • Hal xirfad oo keliya

  • Natiijo cad leh

  • Si fiican loo qeexay

Tusaalooyin:

  • HTML Layout Fundamentals

  • Color Theory Basics

  • Short-Form Video Editing Workflow

Qofku ma "daawanayo videos".
Wuxuu dhameystirayaa xirfado.

Skill Units

qaabka ay noqonayaan unit skills-ka

4. Courses iyo Lessons

Courses-ku ma istaagaan

kaligood.

Course kasta:

  • Wuxuu hoos yimaadaa skill unit

  • Wuxuu leeyahay ujeeddo cad

  • Wuxuu ka shaqeeyaa xirfad gaar ah

Saanyo kuma jiro:

  • Course aan meel ku xirnayn

  • Mawduuc aan role la xiriirin

Course Page

Bogga course-ka muujinaya role, stage, iyo skill unit

Maxay Tani Uga Dhigan Tahay Creators-ka?

Saanyo waxay beddeshay sida wax loo baro.

Creators-ku uma baahna:

  • Inay dhisaan learning path dhan

  • Inay qiyaasaan waxa xiga

  • Inay la tartamaan content aan xiriir lahayn

Saanyo wuxuu siinayaa:

  • Role cad

  • Stage la yaqaan

  • Hal skill unit oo diiradda la saarayo

Shaqada creator-ku waxay noqoneysaa mid cad:

Bar hal xirfad si sax ah.

Qaabka Shaqada Creator-ka

Creator-ku wuxuu diiradda saaraa:

  • Sharaxaad

  • Khibrad

  • Waxbarid cad

Saanyo ayaa qaadanaya:

  • Nidaamka

  • Socodka

  • Isku xirka role-ka

Creator Slot System

Creators-ka iyo sida ay u kala buuxinayaan unit skills-ka

Sida Creators-ku Uga Qayb Qaadan Karaan Saanyo

Creators-ku ma soo gelinayaan content iska furan.

Waxay qayb ka noqonayaan nidaam shaqeynaya.

Habka:

  1. Skill unit ayaa jira

  2. Creator-ku wuxuu soo gelinayaa courses la xiriira skill unit-kaas

  3. Content-ku wuxuu noqdaa qayb ka mid ah role weyn

Natiijada:

  • Isku dhex-yaac yaraanaya

  • Tayada oo joogto noqota

  • Barashada oo si cad loo fahmi karo

Maxaa Qaabkan Muhiim Ka Dhigay?

Xaqiiqadu waa:

  • Production-ku waa qaali haddii creator-ka keligiis la saaro

  • Waqti badanna wuu qaataa

Saanyo way tixgelisaa xaqiiqadaas.

Nidaamka ayaa diyaariya waxyaabo badan,
creator-kuna wuxuu diiradda saaraa coursada uu soo gelinayo.

Waxa Saanyo Aanay Ahayn

Si cad:

  • ❌ Ma aha course marketplace

  • ❌ Ma aha YouTube clone

  • ❌ Ma aha meel content isku dhex-yaacsan lagu ururiyo

Saanyo waa kaabaha ay wadaagaan creator-ka iyo qofka baranaya.

Ujeeddada Saanyo

Ujeeddadu waa mid fudud:

  • Qofku ha helo jihayn sax ah

  • Creator-ku ha ogaado waxa uu barayo

  • Xirfadaha ha u dhismaan tallaabo tallaabo

  • Waxbarashadu ha noqoto mid la gaari karo

Waxa Aan Ka Rabno Creators-ka (Hadda)

Waxaan raadinaynaa creators:

  • Jecel inay la wadaagaan xirfadaha ay si fiican u yaqaannaan

  • La jaanqaadi kara nidaamka Saanyo

  • Diyaar u ah inay muddo dheer qayb ka noqdaan

Gunaanad

Saanyo waxaa loo dhisayaa si deggan oo miyir leh,
tallaabo kasta si taxaddar leh ayaa loo qaadayaa.

Sababtoo ah:

Nidaamka ayaa ka horreeya ballaarinta.

Haddii aad rumeysan tahay in waxbarashadu u baahan tahay jihayn,
Saanyo adiga ayay kuu dhisan tahay.

Share this post